Monday, June 23, 2025

Madaxweyne ku xigeen & Xaaskiisa, ahna Wasiirka Gaashaandhigga oo laga helay cudurka Covid-19

Madaxweyne ku xigeenka Dalka South Sudan Riek Machar iyo xaakiisa Angelina Teny ayaa labadaba laga helay cudurka Covid-19, kadib markii baaritaan lagu sameeyay.

Sida lagu shaaciyey war kasoo baxay dowladda Koonfurta Suudaan waxaa kaloo cudurka Coronavirus laga helay shaqaalaha, ilaalada madaxweyne ku xigeenka iyo xubno ka tirsan xafiiska Madaxweyne ku xigeenka dalka South Sudan.

Riekh Machar ayaa isna war uu soo saaray ku xaqiijiyey in laga helay cudurka Coronavirus, isla markaana uu muddo 14 maalmood ah is-karaantiilayo, iyadoo ay sidaas oo kale sameynayaan dhammaan shaqaalaha iyo xubnaha kale ee laga helay cudurka.

Madaxweyne ku xigeenka South Sudan Machar ayaa dhinaca kale madax ka ahaa Guddiga ka hortagga Cudurka Covid-19 ee dalkaasi.

Dalka South Sudan waxaa cudurka laga helay ilaa 282 qof, waxaana u geeriyooday 4 qof, iyadoo ay sii kordhayaan kiisaska dadka cudurka qaadaya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON