Friday, June 27, 2025

Madaxweyne ku xigeenka Kenya: “Xerada Dhadhaab waxay noqotay Xarun Argagixiso”

Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya William Ruto ayaa sheegay in xerada Dhadhaab ee ay ku jiraan qaxootiga Soomaalida ay noqotay xarun argagixiso oo ay ka howlgalaan kooxda Alshabaab.

Isagoo ka hadlayay shirka arrimaha Bani’aadamnimada ee magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga ayuu sheegay in Kenya ay qaaday culeys weyn oo ay marti gelisay qaxootiga ugu badan Afrika, isla markaana aanay sii wadi karin arrintaasi mar haddii ay xeryaha qaxootiga noqdeen xarumo argagixiso.

Ruto oo lagu tilmaamo inuu yahay ninka gadaal ka haga siyaasadda Kenya wuxuu  caddeeyay in Kenya aanay halis gelin karin ammaankeeda Qaranka ayna ka go’an tahay inay xerto xeryahaasi.

Dhinaca kale madaxweynaha Soomaaliya ayaa kulan aanay waxba ka soo bixin oo dhoola caddeyn ah la yeeshay madaxweyne ku xigeenka Kenya, iyagoo isku arkay shirka.

DAAWO SAWIRRO

Hassan-Ruto

Hassan-Ruto2

Kenya-Hassan

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON