Wednesday, June 25, 2025

Madaxweyne ku xigeenka Puntland: “Halka Xasan Sheekh joogo ee Xamar ayaa kufsiga ugu badan ka dhacaa…”

Madaxweyne ku xigeenka Puntland C/xakiim Cumar Camey ayaa ka jawaabay gargaar caafimaad oo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u fidiyay gabadhii lagu kufsaday Gobolka Mudug.

Camey ayaa sheegay in Xasan Sheekh aanay waxba ka gelin, kana hadi karin  arrimaha Puntland, isagoo  taageeray warkii ka soo yeeray wasiirka Haweenka Puntland oo dhowaan ka hor timid taageeradii caafimaad ee Xasan Sheekh u fidiyay Gabadhii lagu kufsaday Goldogob.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo muddo bil ah ku sugnaa Muqdisho ayaa sheegay in kufsi badan ka dhaco agagaarka madaxtooyada Magaalada Muqdisho iyo meelaha uu Xasan Sheekh joogo ee Xamar, halkaasina ay mas’uuliyad ka saaran tahay laakiin degaanada Puntand ay dowlad iyo xukuumad leeyihiin.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON