Iyadoo sanad kaliya uga haray xafiiska, ayaa madaxweynaha Mareykanka, Barack Obama, waxa uu ugu dambeyn ku biiray madaxda iyo dadka kale ee bogag ku leh barta Facebook.
Aqalka cad ayaa Isniintii billaabay boggii ugu horreeyey ee facebook oo madaxweyne Mareykan ah uu yeesho, kaasi oo ah (https://www.facebook.com/potus).
Qoraalkii ugu horreeyey ee rasmi ah oo uu soo dhiggay facebook, Obama waxa uu ku sheegay inuu doonayo in bogga cusub uu noqdo meel uu dadka kula yeesho wada-sheekeysi dhab ah oo ku saabsan arrimaha ugu muhiimsan ee dalka Mareykanka uu wajahayo, islamarkaana ay dadka si toos ugala hadlaan madaxweynaha.
Saacad un kadib markii uu soo dhiggay qoraalkiisii ugu horreeyey, madaxweynaha waxa uu helay 4,000 oo like, balse xilliga aan qormadan gacanta ku heyno wuxuu gaaray dadka ku xirmay ib ku dhow 650,000 qof.
BOGGA OBAMA WAA KAN HOOSE
Goobjooge.com