Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa ka hadlay is casilaadda koox ka mida golaha wasiiradiisa ay iska casileen xilka iyagoo ku eedeeyay inuu dhinac la saftay loolanka ka dhaxeeya musharaxiinta Xisbiga Kulmiye.
Wuxuu sheegay madaxweyne Siilaanyo in in wasiirada iscasilay ay xaq u leeyihiin inays is casilaan haddii ay la socon waayeen xukuumadda, halkoodiina ay cid kale soo geli doonto. Wuxuuna si kulul ugu sheegay in booskooda lagu bedelayo dad kale haddii ay shaqeyn waayeen.