Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta booqday xarumaha lagu nasiyo dadka qaxootiga ah ee kasoo qaxay dalka Yeman kuna sugan magaalada Berbera kadib muran weyn oo ka dhashay diidmadii uu maamulkaasi diiday inuu marti geliyo dadka ka soo jeeda Koonmfurta Soomaaliya.
Madaxweyne SIilaanyo ayaa sheegay la arkayay isagoo xanbaaray caruurta qaxootigaasi ka mida ee Berbera ku sugan, wuxuuna sheegay in dadka qaxootiga ay soo dhoweynayaan isla markaana Somaliland aanay u kala harin doonin shicib iyo dowladuba soo dhoweynta qaxootiga jinsiyad kasta oo uu leeyahay.
Dhinaca kale wuxuu Siilaanyo ku baaqay in hay’adaha caalamiga ah ay taakuleyn u fidiyaan dadkaasi lagana saacido sidii ay u gaari lahaayeen deeganadii ay ku soo jeedaan.
Dad badan ayaa rajeynaya in kacdoonkii ka dhashay diidmadii Somaliland ay diiday qaabilaadda dadka kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya iyo dhacdadii yaabka lahayd ee Berbera ka dhacday ay dawo u noqon doonto socdaalka Siilaanyo ee Berbera.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]
[ad name=”HTML-6″]