Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa xilka ka qaaday la taliyihiisii dhinaca ammaanka qaranka, isagoo magacaabay la-taliye cusub.
Arrintan ayaa noqonaysa kii tallaabooyinkii ugu danbeeyey saraakiil sar sare oo ka mid ah maamulkiisa oo shaqada ka tegay muddada 14kii bil ee uu xilka hayo ah, iyadoo ay hareysay xaaladda ka dhalatay baaritaanka lagu hayo faragelinta uu Ruushku ku sameeyay doorashadii Mareykanka ee uu ku soo baxay Trump.
Habeenkii Khamiista ayuu bartiisa Tweeterka ku qorey Trump, in Jeneral HR McMaster uu xilka ku wareejin doono John Bolton oo ahaa safiirkii hore ee Mareykanka ee Q/Midoobay, oo haddana u ah Tv-ga Fox News falanqeeye siyasadeed.
Saraakiil ka tirsan Aqalka Cad ayaa sheegtey in in Trump iyo McMaster ay isku raaceen in sarkaalkan sare ee muddada ku soo jirey ciidamada uu shaqada ka tago isla markaana uu howlgab galo.
John Bolton ayaa noqonaya la-taliyihii saddexaad ee dhinaca amniga ee Madaxweyne Trump uu yeesho muddo 14 bilood ah oo uu xilka hayay, taasoo muujineysa xaaladda qasan ee ka taagan Aqalka Cad.
McMaster ayaa ku sheegey war qoraal ah oo uu soo saaray in 34 sano kadib oo uu qarankan u shaqeynaayey uu howlgabnimo weydiisan doono ciidamada Mareykanka.