Thursday, June 26, 2025

Madaxweyne Trump oo saxiixay amar cusub oo lagu soo rogay Lix dal oo Soomaaliya ka mid tahay

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa saxiixay amar fulineed cusub oo dadka kasoo jeeda lix dal ka mamnuucaya inay soo galaan dalka Mareykanka muddo saddex toddobaad ah.

Amarkan ayaa sidoo kale waxa uu Mareykanka ka joojinayaa inay yimaadaan dadka qaxootiga ee caalamka oo idil muddo afar bilood ah.

Amarkan cusub ayaa yimid kadib markii amarkii hore ee madaxweynaha oo dalka ka mamnuucayey dadka kasoo jeeda toddobada dal uu diiday xaakim federal ah oo ku sugan magaalada Seattle ee gobolka Washington.

Amarka cusub ayaa waxaa laga reebay oo uusan saameeneyn dadka kasoo jeeda dalka Ciraq, waxaana lagu soo koobay dadka lixda dal ee kala ah Iran, Libya, Somalia, Sudan, Syria, iyo Yemen.

Trump

Amarkan cusub ayaa waxaa sidoo kale uu kaga duwan yahay kii hore inuusan dhaqan galeyn durba, oo uu si buuxda u billaabanayo 16-ka bishan March.waxaana uusan saameyneyn dadka haysta sharciga degenaanshaha Mareykanka ee kasoo jeeda lixda dal ee la mamnuucay.

SourceVOA

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON