Wednesday, July 2, 2025

Madaxweyne Uhuru Kenyata oo 2 toddobaad la waayey & dadweynaha Kenya oo Baraha bulshada ka baafinaya..

Shacabka Kenyaanka ayaa baraha bulshada ka baafinaya Madaxweynaha dalkaasi Uhuru Kenyatta oo muddo laga waayey fagaarayaasha, isagoo markii ugu danbeysay socdaal ku joogay dalka Shiinaha.

Muddo laba toddobaad ah ayaa la sheegay inaan meel fagaare ah lagu arag Madaxweynaha Kenya, taasoo keentay in dadweynaha dalkaasi ay is weydiiyaan halka uu ka dhacay iyo xaaladiisa, isagoo socdaal ku maraya dalka shiinaha si uu heshiisyo ganacsi ula gaaro dhigiisa dalkaasi.

Uhuru waxaa markii ugu danbeysay la arkay isagoo goobjoog ka ahaa saxiixa laba heshiis oo mashruuc oo ay kala saxiixdeen dalalka Kenya iyo Shiinaha, laakiin markaas kadib ayuu hawada ka qarsoomay, waxayna batta Twitter-ka ay noqotay goobta ay ka socoto baafinta Uhuru Kenyatta.

Dadka qaarkood ayaa si kaftan leh uga hadlay arrintan, waxayna tilmaameen inuu Shiinees isu bedelay magac cusubna qaatay, halka kuwo kale dalbadeen in dib loo soo celiyo.

HOOS KA AKHRISO QAAR KA MIDA FARRIIMAHA BAAFINTA

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON