Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa war caawa laga soo saaray madaxtooyadiisa Villa Somalia oo lagu baahiyay warbaahinta dowladda amaan u jeediyay ciidamada AMISOM ee naftooda u huray umadda Soomaaliyeed, isla markaana meelo badan ka xoreeyay kooxda Alshabaab.

Warka Madaxweynaha oo lagu soo beegay iyadoo xiisad ka taagan tahay dad shacab ah oo ciidamada Itoobiya ay ku laayeen tuulada Halgan ee duleedka magaalada B/weyne iyo falal noocaas ah oo ka dhacay magaalooyinka Marka ee Sh/hoose iyo Xudur ee Bakool, isagoo hambalyada uu diray ciidamada AMISOM ka sokow warkiisa lagu soo daray tacsi uu u diray ciidamada AMISOM iyo dadka shacabka ah ee ku dhintay howlgalka.
Wuxuu kaloo madaxweynaha kula taliyay ciidamada AMISOM inay si taxaddar leh u xaqiijiyaan nabadqabka iyo badbaadinta dadka rayidka ah. “Ciidammada Ethiopia ee howlgalkan ka qeyb qaadanaya waxay muujiyeen dadaal dheeri waxayna adeegsanayo awood dheeri ah” ayaa ka mid ahaa hadaladda madaxweyne Xasan Sheekh.
[spacer color=”8BC234″ icon=”Select a Icon” style=”1″]
HOOS KA AKHRI WARKA MADAXTOOYADA
Muqdisho, 9 August, 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidammada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhoweeyay qaabka wanaagsan ee ay u socdaan hawlgallada milateri ee dalka looga sifeynayo kooxaha nabadda ka soo horjeeda.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyagoo xaalad adag ku jira ay si wanaagsan isku garabsanayaan ciidammada Midowga Afrika ee AMISOM, isla markaana ay guulo la taaban karo ka soo hoyeen gobollada Baay, Bakool, Gedo, Galguduud iyo Hiiraan.
“Aad baan u bogaadinayaa ciidammadeena iyo kuwa Midowga Afrika ee hawlgalkan ka qeyb qaadanayaa. Hawlgalkan cusub waa mid loogu talagaley in muddo aad u yar Al Shabaab dalka oo dhan looga sifeeyo. Ciidammadan waxay naftooda u hurayaan inay nabadda iyo noloshii caadiga ahayd dib u soo celiyaan, iyagoo isku furaya degaanno horey u adkaa in la tago ama adeegyo loo fidiyo’’.
Waxaa uu intaa ku darey Madaxweynaha in ciidammada Ethiopia ee hawlgalkan ka qeyb qaadanaya ay dadaal dheeri ah muujiyeen, iyagoo adeegsanayo awood dheeri ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale tacsi u direy qoysaska iyo eheladii ay ka baxeen geesiyadii ku naf waayey hawlgalka iyo sidoo kale dadka shacabka ah ee waxyeelada ay ka soo gaartey hawlgallada socda.
“Waxaan mar walba ku adkeynayaa ciidammadeena iyo kuwa taageeraya ee AMISOM inay si taxaddar leh u xaqiijiyaan nabadqabka iyo badbaadinta dadka rayidka ah, amarkaasina waa midka ay ku shaqeynayaan. Waxaa naga go’an in nidaamka iyo kala dambeynta lagu fuliyo hawlgallada socda, shacabkuna ay sii kordhiyaan taageerada ay siinayaan ciidammadan naftooda u huraya badbaadinta iyo nabad ku soo celinta waddanka’’.
Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn mar kale hambalyo u direy Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyo waddamada ciidammada iyo dhaqaalahaba ku deeqay hawlgalkan dalka looga sifeynayo cadowga, kaas oo uu Madaxweynuhu sheegay inuu horseedi doono degganaansho buuxda oo ka dhalata gobolka Geeska Afrika.
-DHAMMAAD-
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]