Wednesday, July 16, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh: “Dagaalkii Soomaaliya wuxuu hadda kusoo haray saxaafadda…”

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay caleemo saarkii Axmed Madoobe ayaa sheegay in Maamulka Jubba qeylada ka daba taagan  uu micnaheedu yahay in Jubbaland ay Soomaali oo idil ay ku dhan tahay oo aanay cidna ka maqneyn.

“Waan ka soo gudubnay xiligii hadda la is khilaafo la is dili jiray, waa is khilaafeynaa waana heshiineynaa, dagaalkii hadda wuxuu ku soo haray saxaafadda, waxaan codkeyga ku biirinayaa dhibaatada na heysata inay tahay dagaalka Saxaafadda…” ayuu yiri Xasan Sheekh oo intaas ku daray inuu codkiisa ku biirinayo sidii uu Axmed Madoobe uga sheegtay dagaalka Saxaafadda.

Khudbada Xasan Sheekh iyo tii Axmed Madoobe waxaa si weyn uga dhex muuqday arrinta saxaafadda Soomaaliya iyo hadallada la isku mariyo saxaafadda oo khilaafka siyaasadeed saxaafadda loo adeegsado.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON