Tuesday, June 24, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh: “Federaalku ma keenayo in umadda kala qeybsanto, mana abaaurayo colaad…”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furtay kalfadhigii lixaad ee Baarlamaanka Soomaaliya isagoo khudbad dheerka jeediyay furitaanka kalfadhiga 6 aad ee golaha shacabka ayuu ka hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin federaalka, amaanka, kooxda Alshabaab iyo qaxootiga Soomaalida ee jooga Yeman iyo Kenya.

Mar uu Xasan Sheekh Maxamuud ka hadlayay arimaha federaalka waxa uu sheegay inuusan Federaalka keeneynin in umaddu lakala qob qobo isla markaana abuuranto colaad sokeeye oo hor leh, wuxuuna dadka sidaas aaminsan ku sheegay inay yihiin dad khalad ka aaminsan federaalka oo ah sida uu yiri nidaam xukun oo u baahan in la tijaabiyo.

xasan shekh

[ad name=”HTML-1″]

Madaxweynaha wuxuu Baarlamaanka ka codsaday inay  dedejiyaan shuruucda quseysa federaalka si maamulada KMG ah oo hadda dhisan iyo kuwa kale oo soo socoda ay u noqdaan kuwo buuxiya dhamaan shirciyada ku degsan dalka.

sadexda

Waxaa kaloo kalfadhiga ka hadlay Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid oo ka jawaabay xaaladda qaxootiga Soomaalida ee ku jira xeryaha Kenya iyo heshiiskii ay dowladda Kenya la gaareen ee ku saabsanaa dib u celinta qaxootiga Soomaalida, isagoo sheegay inay dowlada Kenya isla garteen in aan si qasab ah dib loogu celin qaxootiga.

 

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-6″]

[ad name=”HTML”]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON