Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tegay degmada Cadale ee Gobolka Shabeelaha dhexe iyadoo ay ka sii horeeyeen ciidamo boqolaal ah oo ka tirsan milateriga Soomaaliya.
Socdaalka Madaxweynaha ee Shabeelaha Dhexe ayaa ka danbeeyay markii uu maanta soo saaray amar ah in gobolka Shabeelaha Dhexe laga xoreeyo ururka Alshabaab.
Madaxweynaya ayaa diyaarad gaara ka raacay magaalada Muqdisho, waxaana wararku sheegayaan inuu khudbad u jeedin doono ciidamada dowlada ee howlgalka ka bilaabaya gobolka Shabeelaha Dhexe.
Ciidamada dowladda oo wata in ku dhow 50 baabuur oo kuwa dagaalka ah iyo sahayda, waxaana dagaalkan ka danbeeyay weerar Alshabaab ku qaadeen ciidamo ku sugnaa Ruunirgood.
Goobjooge.com