Tuesday, July 1, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo amarro aan laga filayn u jeediyay Baarlamaanka & Xukuumadda (War-saxaafadeed)

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa war-saxaafadeed uu soo caawa uga hadlay arrimo aan laga fileyn xilli uu mooshin ka dhan ah ka yaallo Baarlamaanka Soomaaliya, wuxuuna si toos ah ula hadlay hay’adaha dastuuriga ee dalka, sida Baarlamaanka iyo Xukuumadda oo kuu ku booriyay inay dardar geliyaan hawlaha ay qaranka u hayaan.

xasan shekh

War saxaafadeedka Madaxweynaha ayaa loogu baaqay Xukuumadda inay kordhiso ka warqabka waxqabadka hay’adaha kala duwan ee dowladda iyo hay’adaha hoos yimaada, isla markaana lala yimaado isla xisaabtan dhab ah.

“Waajibaad ayaa na wada saaran, kaasoo ku saleysan inaan si hufan ugu adeegno Qaranka. Waxaan ugu baaqayaa Baarlamanka oo ah hay’adda sharci dejintu in uu de-dejiyo dhammeystirka shuruucda aasaasiga u ah hannaanka dowladnimada” ayuu yiri Madaxweynaha oo tixay sharciyada horyaalla Baarlamaanka sida:

  1. Ka-hortagga musuqmaasuqa,
  2. Maalgelinta shisheeye,
  3. Isgaarsiinta iyo qandaraasyada.

Shuruucdaas ayuu sheegay inay dhammaantood saldhig u yihiin hirgelinta nidaam hufan oo isla xisaabtan ku saleysan sida  uu war-saxaafadeedkiisa ku sheegay Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa sheegay in iyada oo laga ambaqaadayo sida ay dowladda uga go’an tahay hirgelinta nidaam hufan, dalka laga abuurey Guddiga Maamulka Maaliyadda oo ay ku wada jiraan xubno ka socda dowladda, hay’adaha caalamiga ee Bankiga Adduunka (World Bank), Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) iyo Bankiga Horumarinta Afrika (AfDB), kuwaas oo durba hawshoodu ay wax badan ka bedeshey nidaamka maamulka maaliyadda ee Soomaaliya.

“Waxaan xukuumadda farayaa in la dardar geliyo hawlaha Guddiga Maamulka Maaliyadda, isla markaana la taageero dib u eegista guddigan ku sameynayo qandaraasyada dowladdu ay bixisey, iyada oo la raacayo nidaamka iyo sharciga dalka u yaalla, heshiiskii aan buuxin shuruudahaasina la mariyo sida sharcigu uu dhigayo’’.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa xusay mid ka mid ah tiirarka ugu muhiimsan ee dowlad dhisiddu uu yahay garsoorka, loona baahan yahay in Baarlamanku uu de-dejiyo dhammeystirka meel marinta shuruucda iyo dhismaha hay’adaha garsoorka ee dastuurka ku xusan oo dhan, sida Guddiga Adeegga Garsoorka iyo Maxkamadda Dastuuriga.

Waxaa kaloo Madaxweynuhu ugu baaqay warbaahintu in ay door waddaninimo ka cayaarto dadaallada dib u dhiska dalka, dib u heshiisiinta iyo wacyigelinta bulshada, lagana dhowrsado faafinta wararka horseedi kara amni darro iyo tafaraaruq shacabka soo dhex gala.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn si gaar ah u bogaadiyey shacabka Soomaaliyeed oo mar walba ka damqada dhibaatada dalkooda uu ku jiro, isla markaana gacan ka geysta dadaal kasta oo lagu xaqiijinayo in Soomaaliya ay dib cagaheeda isugu taagto.

War-saxaafadeedka madaxweynaha ayaa u muuqda mid lagu doonayo in indhaha looga jeediyo mooshinka xiisadiisu kacsan tahay ee xil ka qaadista, waxaana muuqata inuu Baarlamaanka u tilmaamayo inay shaqooyinkooda qabsadaan.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON