Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safar kale ku jooga dalka Turkiga kadib markii uu shir uga qeyb galay dalka Urdun. Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu ka qeybgeli doono shir lagu dhiira gelinayo nabadgelyada caalamka iyo xus loo sameynayo guushii ciidammadii Turkiga ee Boqortooyadii Cusmaaniyiinta ay ka gaareen Dagaalkii koowaad ee Adduunka.
Xasan Sheekh iyo qaar ka mida madaxda Caalamka ayaa lagu wadaa inay ka qeybgalaan shirka iyo xuska isugu jira oo si rasmi ah u bilaaban doona maalinta Khamiista ee beri oo ku began 23-ka bisha April 2015.
Madaxweynaha waxaa la socda Xubno ka tirsan Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, waana dalkii labaad ee uu booqdo iyadoo la filayo inuu sii wado socdaalkaasi oo arrimo caafimaadna u tago dalka Mareykanka.
Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid ayaa isna safar kale dibadda ugu maqan isagoo tegay dalalka Itoobiya iyo Kenya, waxaana caadi noqotay inay mar waliba labadan mas;uul dalka ka wada maqnaadaan mar kaliya.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML”]
[ad name=”HTML-6″]
[ad name=”HTML-1″]