Sunday, July 6, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo cudurdaar u sameeyay safarradiisa faraha badan ee Dibadda

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa mar kale xalay u safray ka qeyb galka shir madaxeedka 31-aad dalalka Jaamacadda Carabta oo ka dhacaya dalka Algeria.

Wafdiga Madaxweynaha oo uu ka mid yahay Wasiirka Gaashaandhigga ayaa kusii hakaday dalka Suudaan, isagoo kula kulmay Wasiirka Gaashaandhigga dalkaasi, waxaana maanta gaaray magaalada Algeris.

Socdaalka Madaxweynaha oo kusoo beegmay xili uu dalku ku jiro xaalad dagaal, isla markaana ay taagan tahay saameynta ka dhalatay Qaraxyadii waaweynaa ee Zoope ka dhacay laba maalmood ka hor ayaa mar kale dhaliyey su’aalo ku saabsan socdaallada aan kala joogsiga lahayn ee madaxweynaha.

Isagoo dareenka shacabka ee safarradiisa ku saabsan ka jawaabaya ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu ka sheegay xafladii gabagabada shirkii Madashada Wadatashiga Qaran ee shalay in safarradiisa aysan ahayn dalxiis.

“Dalxiis uma baxno, Safarada aan ku baxayo waa dan cayiman oo la garanayo oo Soomaaliya dantaas loo raadinayo ayaan u soconaa.. haddii aan anagu safro caalamka inuu Soomaaliya. Dadka Soomaaliyeed waa inay kalsooni badan qabaan…” ayuu yiri Xasan Sheekh oo ka jawaabay eedaha loo jeediyo.

Xasan Sheekh ayaa toddobaad safarkii ugu danbeeyay ku tegay dalka Jabuuti, halkaaso oo uu uga qeyb galay Shirkii Degaanka iyo Isbaddalka cimmilada.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON