Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Mas’uuliyiin la socda ayaa gaaray degaanka Haabaay ee degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Safarka Madaxweynaha waxaa ku wehliya Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe oo uga horeeyay goobta, waxaana la socday Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen Muungaab, xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale oo kasoo jeeda degaankaasi.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhagax dhigay Garoonka ‘New Muqdisho International Airport’ oo hore loo shaaciyay inuu noqon doono mid ka mida garoomada ugu waaweyn Geeska Afrika.
Mashruuca New Muqdisho oo hore loo shaaciyay ayaa waxa mugdi badan hareeyay dhaqaalaha ku baxaya halka laga keenayo, waxaana ku hoos jiro dhismaha Xarunta Dayax Gacmeedka Turkiga oo dadka degaanka ay diidmo ka muujiyeen.