Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib markii uu kasoo laabtay socdaalkiisii dalka Talyaaniga, halkaasoo uu uga soo qeyb galay carwo caalami ah oo ka dhacay magaalada Milano.
Madaxweynaha oo wafdigiisa ay wehliyeen xubno ka tirsan labada gole ayaa Talyaaniga kula soo kulmay Madaxweynaha Talyaaniga Sergio Mattarella, Wasiirka Gaashaandhigga Roberta Pinotti iyo madaxda shirkado ganacsi oo ka dhisan Talyaaniga.
Madaxweynaha Soomaaliya oo mooshin ka yaallo Baarlamaanka ayaa waxaa sugaya xaalada cakiran oo ku saabsan sidii loo xalin lahaa xiisada ka dhalatay mooshinkaasi, waxaase muuqata in go’aankii guddoomiyaha Baarlamaanka rajo fiican geliyay madaxweynaha.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]