Tuesday, June 24, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo diiday inuu cafis u fidiyo Weriyeyaasha Universal TV

Dadaalo ay wadeen siyaasiyiin, Odayaal iyo waxgarad kala duwan oo ku saabsanaa sidii loo sii deyn lahaa Weriye Cawil Daahir Salaad iyo Agaasime waaxeedka C/llaahi Kulmiye oo ka tirsan Telefishanka Universal ayaan lagu guuleysan kadib markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku gacan seyray inuu cafis u fidiyo labadaas howlwadeen.

madaxweyne-xasan2

Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu ku adkeystay in sharciga la marin doono Weriye Cawil  iyo mas’uulka xafiiska Universal ee Muqdisho, isla markaana uu socdo qaabkii sharciga loo horgeyn lahaa iyo baaritaankooda.

Kadib markii xabsiga loo taxaabay  howlwadeenada Universal TV habeenkii Jimcaha ee 2-da Bishan October ayaa dowladda Federaalka ay bilowday dacwad lagu soo oogay iyadoo xeer ilaalinta ay muddo 21 maalmood ah ka heysato maxkamada gobolka si ay u sii wado baaritaanka kiiskooda, xiligaasina xabsiga ku jiri doonaan.

Waxaa weli socda dadaalka lagu doonayo in lagu sii daayo weriyeyaasha, waxaana rajo laga muujinayaa in maalmd kadib arrintooda xal loo heli doono inkastoo madaxweynaha la sheegay inuu doonayo in kiiskooda ku dhamaado maxkamadda.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML”]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON