Thursday, June 26, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo diiday inuu la kulmo wafdi Mareykanka ah

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa diiday inuu kulan la yeesho wafdi ka socday dowladda Mareykanka oo doonayay inay kala hadlaan khilaafka ka dhaxeeya madaxda dowladda Soomaaliya. Wafdigan oo garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho soo gaaray aya kulamo kala duwan la yeeshay dhinacyada khilaafku ka dhaxeeyo.

Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu diiday inuu tago garoonka Diyaaradaha oo caadiyan ay ka dhici jireen kulamada wufuudda caalamiga ah oo intooda badan aan gudaha u soo gelin Muqdisho, wuxuuna ku adkeystay inay xafiiska yimaadaan, balse isagu aanu markaa diyaar u ahayn  inuu garoonka kulanku ka dhaco.

Waa markii ugu horeyay ee madaxweyne Xasan Sheekh diido inuu garoonka Muqdisho kula kulmo wafdi culus, iyadoo wafdigan uu hogaaminayay wakiilka dowladda Mareykanka ugu qaabilsan Soomaaliya. Dhinaca kale waxay wafdigaasi la kulmeen guddoonka Baarlamaanka, Ra’iisal wasaaraha, labada qeybood ee xildhibaannada kala taageersan madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha.

 

Goobjooge.com

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud
Muqdisho

[ad name=”HTML”]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON