Sunday, June 22, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo fasaxay Ciidamadii kasoo laabtay Dalka Eritrea

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Garoonka Diyaaradaha Muqdisho kula hadlay ciidamo sanado badan tababar ugu maqnaa dalka Eritrea, isagoo siiyay fasax muddo Bil ah.

Ciidamadan oo laga soo daad gureeyay dalka Eritrea ayaa Xarunta Ciidamada Cirka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed la isugu geeyay, wuxuuna madaxweynaha kula dardaarmay inay qaataan fasax si ay qoysaskooda u soo arkaan.

Madaxweynaha ayaa u sheegay cutubyadii maanta dalka dib ugu soo laabtay, inay shacabka Soomaaliyeed rajo badan ka qabaan inay ka qeyb-qaataan cirib-tirka Al-shabaab, isagoo ugu baaqay inay fuliyaan ballantii ahayd inay soo laabtaan fasaxa kadib.

Ad

Ciidamada dib ugu soo laabtay dalka ayaa ka kooban qeybaha ciidamada Dhulka, Cirka iyo Badda, waxayna isugu jiraan qaar sannado badan ku maqnaa Ereteriya iyo cutubyo sannadkan bilowgiisa loo diray oo dhammeystirtay tababarkooda.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON