Wednesday, July 16, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Guddoomiyaha Baarlamaanka u xilsaaray ansixinta Golaha wasiirada cusub

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari u xil saaray inuu Baarlamaanka ka ansixiyo wasiirada cusub ee la magacaabay, isagoo ku tirtirsiiyay inuu kaalin weyn ka qaato sidii xildhibaanada kalsooni u siin lahaayeen golaha cusub ee wasiirada oo dhammaantood aan ka mid ahayn xildhibaanada Baarlamaanka.

MADAXWEYNAHA IYO GUDDOOMIYAHA BAARLAMAANKA
MADAXWEYNAHA IYO GUDDOOMIYAHA BAARLAMAANKA

Madaxweynaha oo ku sii jeeda Shirka madaxda midowga Afrika ee Addis ayaa xilkan culus ku tijaabinaya Guddoomiyaha baarlamaanka oo markan lagu sharfay inuu keensado dhammaan 4-ta wasiir ee beeshiisa uga midka ah wasiirada cusub. Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ah madaxweynaha Maamulka KMG ah K/Galbeed ayaa isna dhinaca kale ka soo jeeda oo ku hanjabay inaysan baarlamaanka mari doonin xukuumada cusub ee qeyb ahaanta la magacaabay.

Prof. Jawaari ayaa la ogeyn sida ay ugu suurageli doonyo in baarlamaanka ay kalsooni siiyaan wasiirada cusub iyadoo labadiisa ku xigeen ay ka horjeedaan xukuumada cusub, isla markaana aanu laf ahaantiisa lahayn xildhibaano badan oo taabacsan.

Goobjooge.com

Muqdisho

[ad name=”HTML”]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON