Sunday, July 13, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo hambalyo u diray Musaveni

Madaxweynaha  Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dhambaal hambalyo ah u diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Uganda, Yoweri Kaguta Museveni oo mar kale loo doortey xilka madaxtinimada dalkiisa.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan kugu hambalyeeyo doorashada mar kale ay shacabkaaga ku doorteen. Waxaan kuu rajeynayaa inaad ku guuleysato hawsha adag ee ku hortaalla ee aad dalkaaga ugu dhaqaajineyso xoojinta nabadda, midnimada, barwaaqada iyo in waddankaaga uu ku sii baaqi ahaado doorka uu ku leeyahay qaaradda Afrika ee dhinaca horumarka iyo nabad aslaaxinta’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa sheegay in wax lagu diirsado ay tahay in shacabka reer Uganda ee uu horkacayo Madaxweyne Museveni ay adduunka tuseen biseylkooda ku dhaqanka dimoqraadiyadda si nabad ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhambaalkisa ku soo gabagabeeyay inuu rajeynayo si xoojinta xiriirka ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah, isagoo sidoo kale ka mahad celiyay doorka Uganda ee Hawlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM).

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON