Tuesday, June 24, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galaya caleemo saarka Axmed Madoobe

Madaxweynaha dowladda Federaalka  Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ku sii jeeda magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada hoose halkaasoo ay ka dhici doonto xaflada caleemo saarka madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Xasan-Sheekh-iyo-Axmed-Madoobe

Madaxweynaha ayaa kamid noqonaya madax ka kala socotay dalalka Kenya, Itoobiya, maamulada dalka ka jira iyo wakiilada beesha calaamka oo xafladaasi ka qeyb galaya, iyadoo horeba xiriirka Axmed Madoobe iyo Xasan Sheekh u wanaagsanaa.

Magaalada Kismaayo ayaa bandow ku jirtay saddexdii maalmood ee ugu dambeeyay, waxaana la sii adkeeyay ammaanka magaalada iyadoo ciidamo fara badan ay dhooban yihiin wadooyinka lana joojiyay guud ahaan isu socodii dadka.

Axmed Madoobe ayaa kordhiyay tirada Baarlamaanka Jubba oo uu hore ugu dhaartay inaan hal xubin xitaa lagu dari doonin, waxaana arrintan ka dambeysay markii uu xaqiijiyay in xilka mar kale loo doortay isla markaana cadaadis uga yimid dowladda Federaalka iyo Beesha caalamka.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-7″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON