Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa maanta xarunta
madaxtooyada ku qaabilay labada ciyaartooyda xulka Qaranka Soomaaliyeed uga qeyb galeysa tartanka Olimbikada adduunka ee RIO 2016 oo lagu qaban doono dalka Brazil iyo macalinkooda oo ay wehliyaan xubno ka tirsan guddiga Olombikada.
Madaxweynaha ayaa dhiira-geliyey labada ciyaaryahan Maxamed Daa’uud Maxamed iyo Maryam Nuux Muuse, isagoo guddoonsiiyey Calanka dalka Soomaaliya oo ay geyn doonaan tartanka RIO 2016 gaar ahaan ciyaaraha fudud.
“Marka hore waxaa guul inoo ah oo muhiimadeeduna leh inaad maanta ka qeyb galeyno tartankaas, waxaan aad iyo aad ugu kalsoonahay inaad guul ka soo hoyin doontaan ciyaraha Olimbikada adduunka ee RIO 2016 gaar ahaan kuwa fudud oo aad ka qeyb galeysaan. Dowladda Soomaaliya diyaar ay la tahay wax walba oo idin fududeynaya inaad ku guuleysataan tartarnka, sidoo kale xirriirka iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed garabkiina ayey taagan yihiin” ayuu yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya.
Labada ciyaaryahan iyo wafdiga la socda ayaa lagu wadaa inay maalinta berrito ah u ambabaxaan dalka Brazil, waana tirada ugu yar ee dal uga qeyb galayo ciyaaraha RIO 2016.
DAAWO SAWIRRO
Goobjooge.com