Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay Ra’iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya oo loo magacaabay siyaasi aan la filayn oo maalmihii ugu danbeeyay la hadal hayey.
Wareegto si weyn loo sugayey ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh ku magacaabay Ra’iisal wasaaraha 21-aad ee Soomaaliya inuu noqdo xildhibaan Xamza Cabdi Barre oo kasoo jeeda Jubbaland, kana mid ahaa xisbiga UPD ee Xasan Sheekh.
Xamza ayaa noqday xildhibaankii ugu horeeyay ee Baarlamaanka 11-aad ee lagu doorto magaalada Kismaayo, wuxuuna guddoomiye u ahaa guddiga Doorashada Jubbaland ee qabtay Dib u doorashadii Axmed Madoobe ee Ogost 2019, isagoo gacansaar dhow la ahaa madaxweynaha Jubbaland.
Xilka Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo ay awood qeybsi ahaan leedahay labada beelood ee Hawiye iyo Daarood, hadba tii aanu ku abtirsan madaxweynaha xilka haya ayaa markii ugu horeysay waxaa qaatay Beesha Ogaadeen.
Ra’iisal wasaaraha cusub wuxuu xubin ka yahay Xisbiga Nabadda iyo Horumarinta ee uu hoggaanka uu u hayay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo kasoo noqday xoghaye.
Wuxuu si wayn u soo shaac-baxay markii uu noqday guddoomiyihii guddiga doorashada ee Jubbaland, intii u dhaxeysay 2019-kii ilaa 2020-kii.
Intii u dhaxeysay 2014-kii ilaa 2015-kii waxa uu la-taliyaha dhinaca maamulka ah u ahaa guddoomiyihii gobolka Banaadir ahaana duqii magaalada Muqdisho ee xilligaas, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab).
Howlaha kale ee uu Xamsa soo qabtay waxaa ka mid ah in uu la-taliye sare kasoo noqday Wasaaradda Arrimaha Dastuurka iyo Federaalka.
