Friday, June 27, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho ku soo laabtay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib markii uu soo safarro ku tegay waddamada Uganda, Jabuuti  iyo boqortooyada Sucuudiga.

Madaxweynaha iyo wafdiga uu hoggaaminayay ayaa waxaa garoonka diyaaraha Aadan Cadde ku soo dhaweeyay guddoomiyaha Baarlamanka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” wasiirro, xildhibaanno iyo mas’uuliyin kale oo ka tirsan dowladda.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intii uu joogay dalka Uganda waxa uu kulan la qaatay madaxweynaha dalkaasi iyo madax kale oo ka tirsan gobolka, isagoo kala hadlay xoojinta xiriirka waddamada iyo guud ahaan sidii la isaga kaashaan lahaa ammaanka gobolka geeska Africa.

Dhanka kale madaxweynaha ayaa magaalada Riyadh ee dalka Sucuudiga uga qeybgalay shir Madaxeedka Jaamacadda Carabta iyo Koonfuur America ee ka dhacay magaalada Riyadh ee dalka Boqortooyada Sacuudi Caraabiya, isagoo halkaasi ka jeediyay khudbad qiimo badan oo uu ku xusay muhimadda ay leedahay sare u qaadidda iskaashiga u dhexeeya waddamada Carabta iyo dalalka Koonfuur America.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON