Thursday, June 26, 2025

Madaxweyne Soomaaliya oo qaabilay Ergeyga cusub ee Q/MIdoobay oo maanta ka shaqo bilaabay Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud  ayaa xarunta Madaxtooyada maanta ku qaabilay Ergeyga cusub ee Q/Midoobay u qaabilsan ee Soomaaliya Micheal Keating oo saaka soo gaaray magaalada Muqdisho.

Kulanka oo ahaa kii ugu horeeyay ee labada dhinac dhex mara ayaa ku koobnaa is barasho iyo warbixin labada dhinac  ay kala qaateen iyadoo madaxweynuhu soo dhoweeyay ergeyga cusub oo howshiisa si rasmi ah u bilaabatay maanta.

Hore waxaa u soo dhoweeyay ergeyga wasiirka arrimaha dibadda oo xaflad xarunta UNSOM ka dhacday ka qeyb galay. Waxaana ergeyga cusub xilkiisa ku soo beegmaya xilli is mari waa siyaasadeed ka taagan yahay madaxda  Soomalida oo ku saabaan qaabka looga gudbayo xilliga kala guurka sanadkan 2016.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON