Sunday, June 29, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qorshe cajiib ah uga dhoofay Magaalada Muqdisho (Akhri xogta)

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si qorshe farsameysan ah uga dhoofay magaalada Muqdisho, isagoo ku sii jeeda dalka Imaaraadka Carabta oo uu uga qeyb galayo tacsida iyo aaska wiilka uu dhalay xaakimka Dubai Sheikh Rashid bin Mohammed bin Rashid Al Maktoum oo isagoo 33 sano jir dhowaan geeriyooday Sabtidii markii wadnuhu istaagay, iyadoo maantana la aasayo.

Sheikh Rashid bin Mohammed bin Rashid Al Maktoum. (Photo courtesy: Instagram/@WAMNEWS)
Sheikh Rashid bin Mohammed bin Rashid Al Maktoum. (Photo courtesy: Instagram/@WAMNEWS)

Wararka laga helayo madaxtooyada ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu xilkii kusimenimo iyo sii wadida shirka wadatashiga siyaasadda Soomaaliya ee Muqdisho ka socda ku wareejiyay guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) oo hadda gudoominaya shirka.

Hore waxaa magaalada Muqdisho shalay uga dhoofay madaxweynaha Koonfur Galbeed  oo aaday dalka Sacuudiga isagoo gudanaya waajibaadka xajka. Waxayna arrimahan weji gabax ku noqdeen maamulada Jubba iyo Puntland oo Muqdisho ku sugan, isla markaana doonayay inay culeys siyaasadeed saaraan madaxweyne Xasan Sheekh, iyagoo ka xumaaday inay shirka uga tagaan labada mas’uul ee ay is hayeen.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON