Wednesday, June 25, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qorshe farsameysan u diyaariyay Guddoomiyaha Baarlamaanka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bilaabay qorshe uu ku mashquulinayo guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari), taasoo ujeedkeedu yahay in guddoomiyaha farahiisa laga bixiyo inuu socodsiiyo Mooshinka laga keenay madaxweynaha.

safarmadax

Xasan Sheekh oo socdaal laba maalmood ah kasoo laabtay dalka Imaaraadka Carabta ayaa haddana maanta u dhoofay dalka Talyaaniga oo la sheegay inuu uga qeyb geli doono xeritaanka Carwo caalami ah oo muddo 6 bilood ah ka socotay halkaasi.

Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa isu bedelaya ku-sime madaxweyne mar kasta oo dalka uu ka maqan yahay Madaxweynaha, waxaana  xilligaasi ka wareegay mas’uuliyadii Baarlamaanka oo uu qabanayo ku xigeenkiisa Jeylaani Nuur Iikar oo la ogyahay inuu si weyn uga horjeedo mooshinka madaxweynaha ka yaalla.

Mashquulinta Jawaari waxay qeyb ka tahay qorshe lagu fashilinayo Mooshinka, lamana oga ilaa inta ay arrintani socon doonto inkastoo waqtigu ku sii dheeraanayo xildhibaanada doonaya inay madaxweynaha meesha ka saaraan.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON