Thursday, June 26, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shuruud adag hor taallo si loo furo shirka Cadaado

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray degmada Cadaado ee Gobolka G/gaduud iyadoo lagu wado inuu halkaasi ka furo shirka muddada dheer soo jiitamayay ee maamul u sameynta gobolada Dhexe oo dhowr jeer hore u baaqday.

Wararka laga helayo Cadaado ayaa sheegaya in madaxweynaha wadahadal hor leh la geli doono isbaheysi isugu jira: Ximan & Xeeb, Galmudug iyo qeyb kamida Ahlu sunna, kuwaasoo si weyn uga horjeeda go’aankii uu madaxweynaha ee ku saabsanaa in Dhuusmareeb ay tahay caasimadda maamulka Gobolada dhexe.

gurguurte

[ad name=”HTML-1″]

11-kii Bishan ayuu ku dhawaaqay madaxweyne Xasan Sheekh inuu furmayo shirka, balse waxaa si caro leh uga hor yimid isbaheysiga cusub oo ku dooday inuusan xaq u lahayn madaxweynaha inuu wareegto ku magacaabo caasimad dadka ka dhaxeysa. Wasiirka arrimaha gudaha C/raxmaan Odowaa oo hore u tagay Cadaado ayaa ku guuleysan waayay inuu qanciyo Galmudug iyo Ximan & Xeeb oo ku adkeystay inuu madaxweynaha ka laabto go’aankaasi.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa looga fadhiyaa sidii uu u qancin lahaa kooxaha ku sugaya Cadaado iyo caqabadda kale ee ku xiran in shirka maamul u sameynta uu furmo.

Goobjooge.com

 

[ad name=”HTML”]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON