Tuesday, June 24, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la yimid Qorshe dhaqaale ahaan lagu mideynayo Somaliya, Itoobiya, Sudan iyo Jabuuti

Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa maanta kulan ay kaga hadlayaan iskaashiga labada dal ku yeeshay magaalada Bahir Dar ee dalka Ethiopia.

Labada hoggaamiye ayaa dhinacyada siyaasadda iyo amniga ka sokow si qoto dheer uga wadaxaajooday iskaashi dhaqaale oo dhinacyo badan oo labada waddan dhex mara. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulankaasi ka soo jeediyay fikir ku saabsan in labada dal ay abuuraan guddi iskaashi oo heer wasiir ah, iyadoo taladaasina uu soo dhoweeyay Ra’iisul Wasaare Desalegn.

Labada dal ayaa ka wada shaqeyn doona horumarinta barnaamijyada mihnadaha iyo shaqo abuurka, maalgashiga, beeraha, tiknoloojiyadda iyo arrimaha bulshada.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaare Desalegn ayaa waxay kaloo ka wada hadleen suuragalnimada in waddamada Geeska Afrika ee kala ah Soomaaliya, Ethiopia, Djibouti iyo Suudaan ay ka midoobaan dhinaca dhaqaalaha, ayna sameystan sameystaan Suuq Ganacsi oo ka dhaxeeya dalalkaasi, kaasoo kobcinaya dhaqaalaha.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON