Saturday, July 5, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo talo ugu yeertay madaxda Jaamacadaha Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay hormuudyadda Jamaacadaha ka dhisan Muqdisho kadib kulan uu ugu yeertay markii uu ugu horeysay muddo ku dhow 3 sanadood oo uu xilka hayay, iyadoo Xasan Sheekh hore uga mid ahaa madaxda Jaamacadda SIMAD.

hormuud1

Madaxweynaha yaa marka hore uga mahad-celiyey , ugana warbixiyey xaaladda guud ee dalka, ka dibna ka codsaday inay tallooyin ka siiyaan xaaladda dalka gaar ahaan Amniga, Xasilinta Siyaasadda iyo dib u dhiska dhaqaalaha dalka.

Madaxda jamacadaha oo kulanka ka hadlay ayaa soo jeediyey tallooyin ku aadan soo jeedinta Madaxweyaha islamar-kaana Madaxweynaha uga mahad-celiyey sida uu talladda dalka uga qeyb gelinayo aqoonyahanadda iyo guud ahaanba bulshadda iyaga oo sheegay in kulankaan uu yahaykii ugu horreeyey ee uu Madaxweyne Soomaaliyeed la qaato hormuudyadda Jmaacadaha gaarka loo leeyahay.

hormuud2

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka codsaday in dhammaan jamaacaduhu sameeyaan qeyb Tababarka mihnadaha, si loo soo saaro xirfadleey dib u dhiska dalka ka qeyb qaadata iyada oo ay arrinkaasi ka aqbaleen hormuudyadda Jmaacadaha ee uu kulanka la qaatay. Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in muhiim ay tahay in qof walba oo Soomaali ah uu helo waxbarasho heer wanaagsan, dowladduna ay ka shaqeyn doonto in la helo siyaasad qeexan oo ku aaddan horumarinta waxbarashada dalka

Ugu dambeyntii Madaxweynaha ayaa ballan qaaday in la joogteeyn doono lana ballaarin doono kulamada Madaxweynaha iyo Hormuudyadda Jamaacadaha dalka oo dhan.

 

[ad name=”HTML-1″]

[ad name=”HTML-6″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON