Friday, June 27, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xaaladda abaaraha kala hadlay Safiirada Jaamacadda Carabta [Sawirro]

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta kulan ugu yeeray safiirada wadamada dibadda u fadhiya Soomaaliya oo uu kala hadlay xaaladda abaaraha Soomaaliya iyo dhibaatooyinka adag ee ka jira dalka.

 Kulankan muhiimka ah waxaa joogay, safiirrada waddamada Jaamacadda Carabta, xafiiska ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) iyo guddiga Qaran ee abaaraha, diiradda waxaa lagu saaray sidii dalalka Carabta ay door muuqda uga qaadan lahaayeen in ay ka qeyb-galayaan kaalmada iyo gurmadka dadka ay abaaraha xooggan saameeyeen.
Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya, ayaa sheegay in farriinta shacabka Soomaaliyeed ka timid ay ka jawaabi doonaan dalalka Jaamacadda Carabta, waxa uuna ugu baaqay hey’adaha dalalkaasi in ay arrintaan si deg deg ah wax uga qabtaan.

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo guddiga Qaran ee abaaraha ka tirsan, ayaa sheegay in dhibaatada hadda jirta in aysan ku filneyn shacabka iyo dowladda, loona baahan yahay kaalmo caalami ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in dalalka Jaamacadda Carabta ay kala hadleen sidii ay Soomaaliya u garab istaagi lahaayeen marxaladda abaaraha.

Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa dadka Soomaaliyeed ee wax heysta ugu baaqay in ay u gurmadaan deegaannada iyo gobollada ay abaartu saameysay.

DHAGEYSO

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in dowladda ay diyaarisay qorshe hey’adaha dowladdu ay uga qeyb-qaadanayaan gumadka abaaraha.

Xaaladda Abaarta waxaa la sheegay in shan Milyan oo dad Soomaaliyeed ay saameyn doonto haddii aanan si dhaqsaha ah looga jawaabin xaaladdaasi adag oo ka taagan gobollo badan oo Soomaaliya ka tirsan, waxaana muhiim ah isku tashiga Soomaalida.

SourceSONNA

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON