Thursday, June 26, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Xil u magacaabay Axmed Xersi (Akhriso Wareegtada)

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wareegto ku magacaabay Axmed C/salaan Xersi oo ah Saygii hore ee Ilhaan Cumar mudane ka tirsan Koongareeska Mareykanka.

Wareegtada magacaabidda waxaa shaaciyey mas’uulka la magacaabay, waxaana uu noqday La-taliye sare oo ka tirsan la-taliyeyaasha Madaxweynaha Soomaaliya, iyadoo aan arrin gaara la cayimin.

“Waxaa sharaf ii ah in la ii magacaabo la-taliyaha sare ee madaxweynaha Soomaaliya Hassan Sh. Mohamud. Waxaan madaxweynaha uga mahadcelinayaa kalsoonida uu igu qabo, waxaana rajeynayaa inaan ka taageero arrimaha dalka iyo caalamkaba si uu u fuliyo qorshihiisa siyaasadeed ‘Soomaaliya oo heshiis ah, dunidana heshiis la ah”. ayuu yiri Axmed C/salaan oo ka fal celiyey xilka loo magacaabay.

Qaar ka mida Wasirada iyo xildhibaannada Dowladda Federaalka ayaa Axmed Xersi ugu hambalyeeyay xilka loo magacaabay, iyagoo sheegay inuu xilkaasi u qalmo.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sanadkii 2016 Madaxtooyada ku qaabilay Ilhaan Omar iyo Saygeeda xilligaas oo ay ku guuleysatay kursiga Aqalka Koongareeska.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON