Wednesday, June 25, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh: “Wasiirkii wasaaradiisa Boono sharci darro ah lacag ku qaado isagaa loo qabanayaa…”

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga digay wasiirada xukuumadda Soomaaliya lacagaha ay wasaaradahooda u qaadaan oo si sharci darrada ah ee aan ku dhicin qasnada dhexe ee dowladda kana war qabin wasaaradda maaliyadda.

xasan shekh

Isagoo dhowaan ka hadlay shir aan caadi ahayn ee Golaha Wasiirada yeeshaan, shirkaasoo uu madaxweynuhu ka qeyb galay isaguna guddoomiyay ayuu si cad ugu sheegay wasiirada xukuumadda Soomaaliya in wasiirkii boono lacageed sameystay laba daba tegi doono qofka boonada qaadaya kaliya maahee wasiirkii u soo dhiibay tallaabo laga qaadi doono.

Madaxweynaha ayaa u sheegay wasiirada inay ka war hayaan wasaarado lacago sharci darro ah uruursada oo boonooyin iskood ah sameystay, wuxuuna ka digay in arrintaas loo qaban doono wasiirada.

Arrintan ayaa timid kadib markii dhaqaale yari soo food saartay dowladda Soomaaliya oo wax ka bedel kharash dhimis ah lagu sameeyay miisaaniyadda 2015 ee hore loo ansixiyay iyadoo lacag dhimis lagu sameeyay mushaarka iyo kharashkii la siin jiray wasaaradaha iyo xafiisyada dowladda.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON