Tuesday, June 24, 2025

Madaxweynihii Afghanistan oo War cusub kasoo saaray Imaaraadka. “Waxaan lasoo baxay Cimaamad iyo…”

Madaxweynihii Dalka Afghansitan ee dalkiisa ka tegay Ashraf Ghani ayaa markii ugu horeysay si toos ah uga hadlay xaaladii uu ugu tegay kaabul iyo sababihii keenay inuu degdeg u dhoofo.

Ashraf Ghani ayaa sheegay inuu hadda ku sugan yahay dalka Imaaaraadka Carabta, isla markaana uu ku laaban doono dalkiisa marka ay u suurashado, isagoo beeniyay inuu dalka ka cararray.

Wuxuu caddeeyay in Duhurnimadii Axadda ee uu ka dhoofay magaalada Kaabul uu tegay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, kadibna ay ilaaladisa usheegeen inuu jiro inqilaab loo maleegay, Daalibaanna ay halkaas ku sugnaayeen oo ay doonayeen madixiisa.

Ashraf Ghani wuxuu ku dooday in haddii aanu dalka isaga bixin uu dagaal dhiig ku daato ka dhcii lahaa caasimadda, isaguna uu qaatay inuu ka hortago qorshaha Daalibaan ee ahaa inuu dagaal ka dhaco magaalada.

“Waxaan lasoo baxay Cimaamadeyda, Dhakeyga iyo Kabaheyga oo kaliya..” ayuu yiri Madaxweynaha dibada joogga ah, isagoo meesha ka saaray warar laga faafiyey oo ah inuu lacag badan iyo qalab ka cararray.

Wuxuu soo dhoweeyay dadaalka iyo waanwaanta ay wadaan Madaxweyniii hore Hamid Karzai iyo gudoomiyaha Golaha dib u heshiisiinta dalkaaasi Cabdalla Cabdalla.

Imaaaraadka Carabta ayaa megangalyo siisay madaxweynihii hore ee Afghanistan Ashraf Ghani oo madaxda dalalka reer Galbeedka ku eedeeyeen inuu mas’uul ka ahaa wixii ka dhacay Afgahnistan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON