Golaha Odayaasha dalk Brazil ayaa mooshin ay qaadeen u codeeyay in xilka laga qaado madaxweynaha dalkaasi haweeneyda lagu magacaabo Dilma Rousseff.
Madaxweynaha Brazil oo hore dacwad loogu soo oogay oo aqalka hoose shaqada ka joojiyay ayaa cod loo qaaday 61 mudane waxay u codeeyeen in xilka laga qaado Dilma Rousseff, halka 21 mudane ay ka taageereen, kadib markii lagu helay inay jebisay sharciyada miisaaniyadda dalkaasi.
Cod bixinta oo goor dhoweyd dhacday iyadoo dood iyo su’aalo socday muddo 14 saacadood ah lagu soo gabagabeeyay in xilka laga xayuubiyo Rousseff, oo ahayd haweeneydii ugu horeysay ee dalka Brazil madaxweyne ka noqoto.
Waxaa hore loogu soo eedeeyay Dilma Rousseff inay si sharci darro ah u isticmaashay lacag ay ka qaadatay Bankiyada maamulada Gobollada dalkaasi si ay ugu kabto hoos u dhaca miisaasiyadda dowladda Federaalka, si ay magaca ugu raadsato doorashadii 2014 ee madaxtinimada.
Dilma Rousseff waxay beenisay inay wax khalad ah ku kacday, iyadoo dacwada lagu soo oogay ku tilmaantay afgembi iyada ka dhan ah. Dilma Rousseff ayaan la ogeyn inay dacwad u qoran doonto maxkamadda sare ee dalkaasi.
Rousseff ayaa la filayaa inuu xilka kala wareegto ku xigeenkeeda Michel Temer oo hore si kumeelgaar ah u hayay intii ay dacwadu ku socotay.
Goobjooge.com