Monday, October 26, 2020
More

    Madaxweynihii hore ee Hirshabelle oo Beeshiisa ugu baaqay inay Doorasho gaara ku qabsato Beledweyne

    Madaxweynihii hore ee Hirshabelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa ku taliyey in Doorasho barbar socota tan magaalada Jowhar ee Xarunta Hirshabeelle laga abaabulo magaalada Beledweyne, laguna doorto Madaxweyne iyo Madaxweyne ku xigeen iyo maamul kale.

    “Waxaan ku talinayaa howsha Jowhar ka socota mid la mid ah in Baladweyne laga bilaabo. Baarlamaanka Hirshabeelle ha la xulo, madaxweyne iyo ku xigeenna ha la doorto Baladweyne ha ku shaqeeyaan. Xaq baad u leedihiin, cid idinka hor istaagi karta ma jirto. Intaa markaad sameysaan ayey DFS, IGAD, AU iyo bulshda caalamka idin dhageysan doonaan…” ayuu qoraalkiisa ku yiri Cali C/llaahi Cosoble.

    Ad

    Isagoo sii hadlay ayaa dhex galay arrimaha beeleed iyo khilaafka taagan isagoo yiri: “Abgaal reer Baladweyne ah waa idinla joogaan ee ka dhigta madaxweyne ku xigeen, beelaha kale dhamaantoodna waa reer Hiiraan. Xawaadlow ogaada waa la idin riix riixayaa si la idiin tijaabiyo. Ha ku dhicina imtixaanka. Qaniinyo qaniinyaa kaa fujisa. Fowdana waa laga hortagaa ee lama sugo..”

    Dad ka badan 1000 qof ayaa jawaabo ka bixiyey qoraalka Cali C/llaahi Cosoble, iyagoo ku dhaliilay intooda badan inaysan ku habooneyn hadallada kasoo yeeray, waxayna qaarkood ku eedeeyeen inuu ka baxay xadkii siyaasadda iyo maqaamkii siyaasadeed ee uu lahaa.

    Dadka Warkan sida weyn u naqdiyey waxaa ka mida Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo sheegay inuusan hadalkan ahayn mid looga fadhiyey madaxweynihii hore ee Hirshabeelle.

    Warar Xul ah

    NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

    148,683FansLike
    2,066FollowersFollow
    5,660FollowersFollow
    148,683FansLike
    2,066FollowersFollow
    5,660FollowersFollow

    TOP NEWS

    Maxkamadda Ciidamada oo xukunno ku riday Alshabaabkii ka baxsaday Xabsiga Dhexe iyo 9 Askari oo ka tirsan…

    Maxamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ayaa Maanta xukunno kala duwan ku riday 11 Qof oo ku eedeysan weerarkii ka dhacay...

    Jid muddo Sanado ah u xirnaa Safaarado oo la bilaabay in Dhagxaanta iyo Shubka laga qaado

    Jid muhiim ah oo muddo sanado ah u xirnaa safaarado kala duwan ayaa waxaa hadda socda howl adag oo dhagxaanta looga qaadayo.

    Ra’iisal Wasaare Rooble oo magacii ka bedelay xilliga ‘Kala-guurka’ ee xukuumadiisu kusoo beegantay

    Ra'iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa magaca ka bedeley waqtiga 'KALA GURKA' ah ee ay xukuumadiisa kusoo beegantay, iyadoo dalku doorasho gelayo mudaddii...

    Xukuumaddii ugu waqtiga yareyd ee Ra’iisal wasaare Rooble oo la ansixiyey iyo Wasiirada oo la dhaariyey

    Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta codka kalsoonida siyey Xukuumadda cusub ee Soomaaliya iyo Barnaamijkeeda. Golaha wasiirada...

    Ganaax lagu riday Haweeney ah Xeer ilaaliye ku-xigeen oo khilaaf ka dhaliyay Hay’adaha Garsoorka (Akhriso)

    Waxaa soo shaac baxay khilaaf u dhaxeeya Maxkamadda Gobolka Banaadir iyo xafiiska Xeer ilaalinta Guud kadib markii ganaax lagu riday haweeney ah...

    Kulan magaalada Nairobi ku dhex maray Xasan Cali Kheyre iyo Sheekh Shariif iyo Arrimaha looga hadlay

    Wararka laga helayo magaalada Nairobi ayaa sheegaya in Ra'iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya uu magaalada Nairobi kula kulmay Madaxweynhii hore Shariif Sheekh...

    Weriye C/llaahi Kulmiye: “Nabadsugidda iyo ciidamada Ra’iisal wasaare Rooble ayaa isoo weerarray..”

    Weriye C/llaahi Kulmiye Caddow oo maanta laga sii daayey xabsiga Godka Jilacow oo uu muddo 5 maalin ku dhowaad ah ku jiray...

    WARARKA UGU SHIDAN

    error: Content is protected !!