Madaxweynihii hore ee dalka Zimbabwe Robert Mugabe ayaa lagu dhawaaqay inuu geeriyooday, wuxuuna ahaa 95 sano jir.
Robert Mugabe ayaa ahaa hogaamiye caan ka ah Afrika iyo Dunida, wuxuuna talada dalkiisa heystay muddo dhan 30 sano intii aan lagu qasbin inuu kursiga ka dego sanadkii 2017 markii ciidamada dalkaasi ay ka hor yimaadeen xukunkiisa.
Mugabe ayaa ku geeriyooday dalka Singapore oo xaalad caafimaad loo geeyay bishii April ee sanadkan, waxaana geeridiisa xaqiijiyey qoyskiisa. Wuxuu ahaa Ra’iisal wasaarihii ugu horeeyay ee dalka Zimababe markii uu xoriyadda qaatay dalkaasi sanadkii 1980-kii, wuxuuna kadib noqday madaxweyne 1987, isagoo talada dalkaasi hayey ilaa sanadkii 2017.
Robert Mugabe wuxuu caan ku ahaa inuu aad ula dagaalamay caddaanka dalka Zimbabwe la dejiyey ee dhulka dalkaasi heystay, wuxuuna muddo dheer ahaa nin aad uga horyjeeda reer Galbeedka, wuxuuna dadka madow ee dalkiisa gaarsiiyey adeegyo caafimaad iyo waxbarasho sanadihii hore ee xukunkiisa, waxaana lagu xusuusan doonaa halgankiisii dheeraa ee dadka caddaan ah uu la galay iyo afrikaanimadiisii.
Madaxweynaha xilka haya ee Zimbabwe Emmerson Mnangagwa ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska iyo dadka Zimbabwe, wuxuuna ku tilmaamay inuu ahaa aabihii Zimbabwe iyo madaxweynihii hore ee dalkaasi.