Tuesday, July 15, 2025

Madaxweynihii hore Sheekh Shariif oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa shalay tegay xarunta Safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho.

Seekh Shariif ayaa la kulmay safiirka Turkiga u fadhiya magaalada Muqdisho oo maalmahan waday dhaqdhaqaaqyo iyo kulamo uu la yeelanayo siyaasiyiinta Soomaalida.

Safiirka Olgan Bekar ayaa fariin uu soo dhigay baraha bulshada ku sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay kulanka uu la yeeshay madaxweynihii hore ee Soomaaliya, isagoo ku tilmaamay inuu ahaa mas’uulkii asaaska u dhigay xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga.

Safiirka Turkiga ee Muqdisho fadhigiisu yahay Olgan Bekar ayaa xiriiro joogto ah la leh madaxda iyo siyaasiyiinta Soomaalida, iyadoo safaaradda Turkiga ee Muqdisho ay tahay goob ay tagaan inta badan madaxda Soomaalida.

Goobjooge

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON