Friday, June 27, 2025

Madaxweynihii hore Sheekh Shariif oo laga hor istaagay inuu ka dhoofo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, isagoo ku sii…

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, ahna hoggaamiyaha xisbiga Himilo Qaran Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo xubno la socda ayaa muddo saacado ah ku xayirnaa groonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, isagoo doonayey inuu u duulo magaalada Kismaayo.

Wararka laga helay Garoonka Muqdisho ayaa sheegaya in saraakiisha Garoonka ay u diideen inuu Sheekh Shariif u safro magaalada Kismaayo, iyadoo la hor istaagay diyaaradii qaadi lahayd, iyadoo waanwaan iyo dood dheer kadib loo ogolaaday inay duusho iyadoo aanu la socon Sheekh Sharif, taasoo ay diideen maamulka Jubbaland, iyagoo diyaaradda u sheegay inaysan Kismaayo imaan karin, haddii aanu la socon Sheekh Shariif.

Hoggaamiyaha Xisbiga Himilo Qaran ayaa la sheegay inuu ka yimid dalka Turkiga, isagoo doonayey inuu ka qeyb galo xafladda caleemo saarka Axmed Madoobe, lakiin waxaa loo diiday inuu Kismaayo u duulo iyadoo laga reebay diyaaradii uu doonayey inuu raaco.

Arrintan ayaa ku soo beegantay iyadoo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay maanta xayiraad cusub saartay Diyaaradaha tegaya magaalada Kismaayo, si loo carqaladeeyo Caleemo saarka Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON