Tuesday, June 24, 2025

Madaxweynihii Zimbabwe Robert Mugabe oo Xabsi guri la Geliyay & Ciidamada oo…

Madaxweynaha ugu waqtiga dheer xilligan qaaradda Afrika ayaa gurigiisa lagu xayiray kadib markii ay ciidamada dalkaasi la wareegeen talada.

Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika ayaa sheegay in hogaamiyaha muddada dheer ee dalka Zimbabwe uu “gurigiisa ku xaniban yahay”, taasi oo muuqata dadaal milatarig ay doonayaan inay xukunka uga tuuraan kadib 37 sano oo uu awoodda haystay.

Madaxweyne Jacob Zuma ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay inuu maanta la hadlay Mugabe, uuna u sheegay “inuu gurigiisa ku xaniban yahay hase yeeshee uu bad qabo” Koonfur Afrika ayaa sidoo kale xiriir la sameyneysa ciidamada difaaca dalka Zimbabwe.

Robert Mugabe ayaa talada dalka Zimbabwe la wareegay sanadkii 1987, wuxuuna hadda uu yahay 93 sano jir, wuxuuna qorsheynayay inuu xilka ku wareejiyo xaaskiisa Grace Mugabe.

Dhacdooyinka ka cusub Zimbabwe ayaa falcelin u ah tallaabo aan la taageerin oo uu Mugabe qaadan horaantii bidhsn, taasi oo uu xilka kaga qaaday madaxweyne ku xigeenkii dalkaas Emmerson Mnangagwa, isaga oo tilmaamay inuu qorsheynayo inuu ku beddelo marwada koowaad.

Taankiyada ciidamada ayaa soo galay waddooyinka Harare talaadadii maalin kadib markii taliyaha ciidamada General Constantino Chiwenga, uu sheegay inuu soo faro-gelin doono haddii Mugabe uusan joojin beegsiga taageerayaasha Mnangagwa.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON