Xisbiga gacanka ku haya talada dalka Zimbabwe ee ZANU-PF ayaa Mugabe ka qaaday xilka hoggaaminta xisbigaasi ee mudadda dheer dalka ka talinayay Robert Mugabe.
Waxaa loo magacaabay in xisbiga uu hoggaamiye ka noqdo madaxweyne ku xigeenkii hore, Emmerson Mnangagwa – kaas oo laba isbuuc ka hor uu Mugabe ka ceyriyay xilka.
Shaqa ka tiriddii Mr Mnangagwa ayaa sababtay qalalaasaha siyaasadeed ee dalkaasi ka jira, taas oo dhalisay in militariga uu maamulka dalka la wareego si ay 93-sano jirka Zimbabwe hoggaaminayay 37-sano, uga hor istaagaan in xaaskiisa Grace ka dhigo madaxweynaha dalka.
Tobannaan kun oo qof ayaa shalay oo Sabti ahayd ka qeybgalay dibadbaxyo ka dhan ahaa qoyska Mugabe.
Mr Mugabe ayaa maanta oo Axad ah la filayaa in uu la kumo hoggaamiyayaasha militariga, waxaana la arkayay gawaari ka soo baxaysa gurigiisa gaarka ah ee Harare.
Dagaalyahankii hore ee galaangalka badan ku leh dalka, Chris Mutsvangwa, ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in xisbi ahaan ay isu diyaarinayaan sidii ay Mugabe uga qaadi lahaayeen xilka madaxweynaha dalka.
Sidoo kale Reuters ayaa baahisay in Grace Mugabe lagala noqday dhammaan shaqooyiinkii ay ka haysay xisbiga Zanu-PF.
Weriyaha BBC-da Andrew Harding, oo kullanka ka qeybgalay ayaa Twitter-ka geliyay muuqaal muujinaya go’aanka Mugabe xilka looga qaaday.