Tuesday, July 15, 2025

Madixii Kooxda Daacish ee Gobolka Baay oo la qabtay, lana soo bandhigay [Daawo]

Madixii Daacish ee gobolka Baay iyo xubno la socda ayaa gacanta lagu dhigay sida ay shaaciyeen ciidamada Nabadsugidda ee ka howlgala magaalada Baydhaba.

Sarkaalka la qabtay ayaa la sheegay inuu yahay madixii ugu  sareeyay Kooxda Daacish u qaabilsanaa Gobolka Baay. Sarkaalka ayaa magaciisa lagu sheegay Cali Maxamed Gaaboow.

Waxaa kaloo la socday oo la qabtay saddex maleeshiyo, iyadoo lagu soo bandhigay maanta magaalada Baydhabo.

Daacish-BayKooxda Daacish ee Soomaaliya ka howlgasha ayaa weli ah koox aad u yar oo aan awood lahayn, waxayna ka go’day kooxda Alshabaab oo lafteeda dagaal culus ku qaaday isla markaana khaarijisay xubno isku dayay inay ku biiraan.

Daacish1Ma jirto cid xaqiijin karta arrintan, waxaase hore loo shaaciyay in xarun ah lahaayeen Daacish ay ciidamada milateriga Soomaaliya  ku burburiyeen gobolka Shabeelaha Hoose.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON