Saturday, July 19, 2025

Magaalada Muqdisho oo si weyn looga xusay munaasabada 26-ka June: SAWIRRO

Munaasabad lagu xusayay 26-ka Juun ayaa xalay lagu qabtay aqalka dowladda hoose ee Xamar, waxaana kasoo qeybgalay madaxweynaha dowladda federaalka Maxamed C/llaahi Farmaajo, ra’iisul wasbare Xasan Cali Kheyre, Guddoomiyaha aalka hoose Cabdi Xaashi, Guddooomiyaha gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed iyo madax kale.

Munaasabada oo si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa khudbad dhinacyo badan taabanaysay ka jeediyay Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ku dheeraaday qiimaha 26 june iyo halgankii loo soo maray in gumeystihii laga xorooba calan Soomaaliyeedna laga tåägo gobolada Waqooyi.

Madaxweynaha xusay guushii la gaaray 26-kii June 1960-kii inay ku timid Halgan dheer oo Soomaaliya oo dhan ay ka qayb qaadatay.

“Halgankaasi dheer waxaan ka dhaxalnay labo Arrimood oo kala ah Farxad iyo Dhib, Farxadu waxay ahayd inaan helnay Xornimo weyn, laakiin Guul darada ayaa ah Barakac, Qaxooti iyo Burbur ay sababeen dagaaladii Sokeeye.” ayuu yiri Madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya.

Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa sheegay in maalintaan oo kale ay tahay maalin ku wayn dhammaan shacabka Soomaaliyeed wuxuuna Hambalyo u diray dhammaan umadda Soomaaliyeed Meel kasta oo ay joogaan.

12:00 saqdhexe ee xalay marka ay saccade ku buuxsantay ayaa madaxweynaha uu calanka saaray Xarunta Dowladda Hoose ee magaalada Muqdisho.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON