Friday, June 27, 2025

Magacyada 5-tii Musharax ee Faarax C/qaadir kala tashaday Beesha Caalamka (Xog cusub)

Sii-hayaha wasiirka Xanaanada Xoolaha Md. Faarax Sheekh C/qaadir ayaa dhowaan socdaal ku tegay magaalada Nariobi  ee dalka Kenya, isagoo madaxweynaha ka wada farriin ku saabsan inuu la-tashi kala sameeyo xubnaha beesha caalamka ee taageera dowladda Soomaaliya shan musharax oo madaxweynuhu soo xulay inuu ka dhex magacaabo jagada Ra’iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya.

MUSHARIXIINTA JAGADA RA'IISAL WASAARAHA SOOMAALIYA
MUSHARIXIINTA JAGADA RA’IISAL WASAARAHA SOOMAALIYA

Shantan xubnood ayaa kala ah:

1. Xuseen Cabdi  Xalane

2. Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke

3. Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan

4. Saciid C/llaahi Deni

5. Axmed Ciise Cawad

Kulamadii beesha caalamka  ee arrintan looga hadlay ayay wararku sheegayaan inaan natiijo fiican laga gaarin, markii Mareykanku ka gaabsaday inuu wax talo ah ka bixiyo musharixiintaas marka laga reebo Cumar C/rashiid oo ay sheegeen inay aqoon u leeyihiin balse aanay jirin cid ay taageerayaan.

Madaxweynaha oo si weyn uga biyo diiday talo soo jeedintii beesha caalamka ee ahayd inuu la shaqeeyo Ra’iisal wasaare C/weli Sheekh Axmed ayaa cabsi ka qaba in joogsato taageeradii beesha caalamka ee dowladiisa, waxaana isku  daygan uu ahaa mid uu ku doonayo inuu kalsoonida beesha caalamka ku soo celiyo taasoo aan u hirgelin.

 

Goobjooge.com

London

[ad name=”HTML”]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON