Sunday, July 6, 2025

Magacyada duuliyeyaasha iyo shaqaalihii diyaaradii Tristar Air ee ku dhacday Afgooye

Waxaa la shaaciyay magacyada shaqaalaha iyo duuliyeyaashii waday diyaaradii xalay ku dhacday duleedka magaalada Muqdisho, kadib markii la sheegay in ciald ku timid iyo garoonka Muqdisho oo aan habeen shaqeynin.

cargo-air-4

Diyaradda oo u kireysneyd shirkad qandaraas ku heysta raashinka ciidamada AMISOM, waxaa laga leeyahay dalka Masar, waxaana lagu magacaabaa Tristar Air Cargo,

Shaqaalaha oo ka badbaaday shilkan una dhashay dalka Masar, marka laga reebo laba kamida oo dhaawacyo fudud ay soo gaareen waxay magacyadooda kala yihiin:

  1. Taariq Bayonmay,
  2. Saalax Cabdi Saadaq,
  3. Maxamed Subxi
  4. Axmed Baradaj
  5. Calaa Raflax
  6. iyo Shaxata Shanoni.

Shaqaalaha ayaa waxaa soo badbaadiyay ciidamada AMISOM iyadoo saaka la geeyay garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON