Sunday, June 22, 2025

Magacyada Horjoogayaal Alshabaab looga dilay duqeyntii Gal-hareeri oo la shaaciyay

Dowladda Somaliya ayaa shaacisay magacyada horjoogayaal ka tirsan Alshabaab oo lagu dilay duqeyn ka dhacday degmada Galhareeri ee Gobolka Galgaduud.

Duqeynta oo la sheegay inay iska kaashadeen Hay’adda NISA iyo saaxiibada Caalamka ayaa lagu dilay 30 ka mid ah Alshabaab oo isugu jiray Maleeshiyaad iyo Horjoogeyaal ay ka mid ahaayeen xubno Ajaanib ah halka dhaawacu uu yahay ilaa 20 kale.

Xarumaha lagu bartilmaameedsaday duqeynta ayaa waxaa ka mid ahaa xarunta Idaacadda Andulus, xarun lagu farsameyo Qaraxyada, xarunta maaliyadda ee degmada Galhareeri, guri ay daganaayeen horjoogeyaal ka tirsan Alshabaab kooxda Al-Kataa’ib, guri uu deganaa horjoogaha Sakawaadka gobolka Sh. Dhexe iyo guryo ay ku shiri jireen Jabhadaha Alshabaab.

Ad

Horjoogeyaasha duqeynta lagu dilay waxaa ka mid ahaa;

1. Qoor-Cadde oo ahaa horjoogaha xarunta Qurdubi

2. Macalim Maxamed oo ahaa ku-xigeenka xarunta Qurdubi.

- Advertisement -

3. C/kariin Shan-boqolle oo ka mid ahaa aasaasayaashii Khawaarijta ee Galguduud.

4. Wareershe oo ahaa horjooge ka tirsanaa qeybta Gaadiidka.

5. Yamiin oo ahaa horjooge ka tirsanaa Maleeshiyaadka Alshabab ee Mudug.

6. Cabdullaahi Macalim Bashiir oo ka mid ahaa horjoogeyaasha Maleeshiyaadka ee Galguduud.

- Advertisement -

7. Ismaaciil Abu-Ruqiya oo ka tirsanaa qeybta warbaahinta Alshabab ee Galgaduud.

8. Ciise Maxamed Wehliye oo ahaa Horjoogaha Sakawaadka ee Gobolka Sh. Dhexe.

9. Ciise Ruush oo ahaa Horjoogihii farsamada Hubka

.10. Usaama oo ahaa Horjoogihii Isgaarsiinta.

11. Iyo Xasan Nuur ka tirsanaa qeybta Gaadiidka.

Dhinaca kale Alshabaab ayaa sheegtay in duqeynta ku dhinteen 7 Qof, laguna dhaawacay 3 qof oo shacab ah, iyagoo soo bandhigtay sawirrada dad caruur iyo waayeel isugu jira.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON