Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad ayaa sii fogeeyay rajadii yareyd ee laga qabay Mooshinka xil ka qaadista madaxweynaha ee 93 xildhibaan u gudbiyeen guddoonka Baarlamaanka, wuxuuna caddeeyay in Mooshinkaasi aanu ahayd mid caadi ah oo u baahan yahay xaqiijin, sharciyeyn iyo maxkamado.

“Arrinta Mooshinka madaxweynaha weli ma hor taallo Baarlamaanka federaalka, arrinkaas waa soo jeedin xildhibaano keensadeen xafiiska gudoonka ayay taallaa” ayuu yiri Mahad Cabdalla oo intaas ku daray in mooshinkani aad u mug weyn yahay oo sharciyad u baahan tahay, sidaas darteedna u baahan tahay in meelo kale la soo mariyo.
Isagoo ka hadlay Radio Muqdisho ayuu sheegay in dhismaha Maxkamadda Dastuuriga ah ay ku cusub tahay dalka, isla markaana sharcigeedii la hor keenay Baarlamaanka xilligii xukuumadii Saacid, balse dib loo celiyay, mar kalena xukuumadii C/weli ay xilli kale ku qaadatay ayna ugu wacan tahay in la dhisi waayo arrimo ay ka mid yihiin khilaafkii siyaasadeed iyo is-bedelka xukuumadaha.
Dhageyso codka Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]